Qarax ka dhacay Magaalada Marko iyo dad loo qab qabtay

0
596

Wararka laga helayo Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax geystay Khasaaro,kaas oo jugtiisa laga maqlay Xaafadaha kala duwan ee Magaaladaas.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in la dhigay afaafka hore ee Maxkamadii hore ee Magaalada Marka isla markaana uu ku dhaawacmay hal qof oo Shacab ahaa,kaas oo goobta marayay xilliga uu qaraxa dhacayay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in goobta qaraxa uu ka dhacay ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda,kuwaas oo la sheegay in howlgal ay sameeyeen ay dhowr qof oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen ay u xireen qaraxaasi.

Maamulka Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxa ka dhacay Magaaladaas,waxaana lagu soo waramayaa in saaka xaalada Magaalada Marka ay tahay mid degan.