Qofkii ugu horeeyey oo deegaannada Puntland ugu dhintay Coronavirus

0
736

Wasaaradda Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa faah faahin ka bixisay qofkii ugu horreeyey oo la sheegay in deegaanada Maamulkaas uu ugu dhintay Cudurka samareenka ah ee Coronavirus.

Wasiirka Wasaaradda Dr Jaamac Faarax ayaa sheegay in qof kamid ah dad looga shakisanaa Cudurka COVID-19 oo ay baaritaan ugu direen dheecaan laga qaaday Kenya uu geeriyooday hayeeshee laga helay Cudurka Coronavirus.

waxaa uu sheegay in qofkaasi uu ahaa Nin Da’ah oo kamid ahaa dadka ku nool Magaalada Galdogob ee Gobolka Mudug tana ay ka dhigan tahay in qofkii ugu horreeyey deegaannada Puntland uu Cudurka Coronavirus ugu geeriyooday.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in dadka ku nool deegaannada Puntland ay yartahay ka feejignaanta Cudurka,balse ay bilaabayaan baaritaano badan si looga hortaggo faafintaanka Cudurka.