Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay Guddi ka kooban 24-xubnood oo wax u qabta qoysaska dhibbanayaasha u noqday daadadkii ku rogmaday Magaalada Qardho ee Gobolka Bari.
Madaxweyne Deni ayaa Guddiga oo Magacaabay oo u badan golihiisa Wasiirada waxa ay qabanayaan qiimeynta dadka dhibaatadu gaartay, gurmad siinta iyo soo gudbinta guud ahaan khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay, waxaana kamid ah xubnaha Guddigaas:
- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Demoqradiyaynta iyo Federalka (Guddoomiye)
- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga
- Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska
- Wasiirka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo. Isbadalka Cimiladda
- Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha
- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadidka
- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka
- Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Biyaha iyo Macdanta
- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska
- Agaasimaha Guud Hay’adda HADMA
- General Khalif Ciise Mudane La taliyaha Madaxweynaha
- Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada
- Xildhibaan Sharmaake Cali Cilmi
- Xildhibaan Ahmeddaad Jaamac Diiriye
- Xildhibaan Maxamed Maxamuud Barre
- Siyaasi Cali Abdi Awaare
- Guddomiyaha Gobolka Karkaar
- Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar
- Guddomiyaha Degmada Qardho
- Sh. Fu’aad Maxamuud Nuur Culumadda
- Jaamac Salaad Maxamed (Dhagadheere) Ganacsatadda.
- Axmed Cabdi Hurre
- Maxamed Caydiid Jaamac (Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga).
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa musiibooyinka ka dhasha daadadka sabab uga dhigay dadka oo degay meelaha biyo mareenada ah, balse waxa uu tilmaamay in wax laga badali doono.
Dhanka kale, waxaana la helay dad aan tiradooda illaa iminka aysan shaacin guddii loo xilsaaray raadinta shaqsiyaad raq iyo ruux lagu waayay, kadib markii ay la tageen daadadka roobabkii xoogganaa ee ka da’ay Magaalada Qardho.