Magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland waxaa xalay ka dhacay iska hor imaad sababay dhimashada askari iyo dhaawaca labo kale, kadib markii ay isku dhaceen Ciidamada ammaanka ee dhaqangelinaya bandowga iyo ilaalada Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
Lama shaacin in Axmed Karaash uu la socday ilaaladiisa kolkii ay isku dhacayeen Ciidamada ammaanka ee sugayay ammaanka, sidoo kalena ay dhaqangelinayeen Bandowga saran Deegaanada Dowlad Goboleedka Puntland.
Ciidamo katirsan kuwa Dowlad Goboleedka Puntland ayaa kusoo baxay oo kala dhexgalay askartii isku dhacday, waxaana daqiiqo kadib xiligaas tagay saraakiisha Ciidamada ammaanka oo labada dhinac wax ka weydiiyay sida ay wax u dhaceen.
Saraakiisha Ciidamada ammaanka Maamulka Puntland ayaa horay uga digay isku dhac ka dhasha is faham darro soo kala dhexgasha askarta ku sugan waddooyinka iyo kuwa ilaalada u ah mas’uuliyiinta, waxaana ay soo jeediyeen in la qaato amarrada askarta ku sugan baraha kontoroolada.
Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa baaris kuwada sababta keentay is maandhaafka sababay isku dhaca labada dhinac oo daqiiqo is rasaaseynayay, mana jiro war kasoo baxay Hay’adaha ammaanka, Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo xubnaha kiiska baaristiisa loo dhiibay.