Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaaciyey in dhawaan Degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud loo sameynayo Golle deegaan oo dadka degmadaasi u baahan yihiin si ay u doortaan Maamul Cusub oo ay iyaga leeyihiin.
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo shalay gaarey degmada Cabudwaaq ayaa fagaaro ka sheegay in muddo 45 Cisho Gudahood ah ay degmadaasi Cabudwaaq u sameyn doonaan Golle Deegaan.
Waxaa uu sheegay in Maamulka Galmudug uu mashaariic dhowr ah ugu talo galey Degmada Cabudwaaq,sida dhismaha Garoonka,dhismaha kastabmka ku xira Itoobiya iyo mashaariickale,hayeeshee muddo 45 Cisho gudahood hadii aan lagu dhisin Golaha deegaanka degmada ay mashaariicdaas baaqan doonaan.
Ugu dambeyn Madaxweyne kuxigeenka Galmudug waxaa uu sheegay in dadka ku nool degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud looga baahan yahay inay Canshuurta bixiyaan si lamid ah degmooyinka kale si ay u helaan xaquuqdooda.
Maalma ka hor waxaa degmada Cabudwaaq ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday Madaxda Galmudug,taas oo soo dedejisey in uu safar deg deg ah ku tago Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.