Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadley xaaladaha xanuunka Coronavirus,isaga oo baaq u direy Madaxda Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaaliya.
Sheekh Shariif oo Warbaahinta Shir Jaraa’id Muqdisho ugu qabtey ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka taxadaraan in dhexdooda uu ku faafo Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay dalka Soomaaliya.
Madaxda Dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ayuu ugu baaqay Sheekh Shariif inay u midoobaan sidii looga hortegi lahaa Cudurka oo aysan Siyaasadeyn,isla markaana Beesha Caalamka dhankooda looga baahan yahay inay kaalintooda ay ku caawinayaan dadka Soomaaliyeed ay muuqato.
Hadalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli ay kordheyn kiisaska la xiriira Cudurka Coronavirus ee laga helay Soomaaliya,kaas oo gaarey 60 Ruux.