Dhageyso:-Puntland oo muddo kororsi uga digtey Madaxda dowladda

0
413

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhabancad ayaa ka hadlay Aragtida Maamulka Puntland ay ka qabto Dib u dhac ku yimaada qabsoomida Doorashada Soomaaliya sanadka 2021, maadaama ay jiraan kiisas la xariira Cudurka Coronavirus oo laga helay Soomaaliya.

Wasiir dhabancad waxaa uu sheegay in doorashada Soomaaliya ay tahay arrin dastuuri ah oo waajib ku ah inay qabtaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada,isla markaana aysan ogolaan doonin in,iyada oo marmarsiiyo laga dhiganayo Cudurka COVID19 in doorashada dib loo dhigo.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey in hadii ay madaxda Dowladda ay isku dayaan inay sameeyaan muddo kororsi ah ay sababi karto in dalka ay ka dhacdo xasilooni darro iyo is qabsi siyaasadeed.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhabancad ayaa sheegay in xaalada la xiriirta dhinaca Cudurka Coronavirus ee dalka ay noqota mid kasii dartey ay u baahan tahay in wadatashi laga galo sida la yeelayo,hayeeshee aysan isku dayin inay ka faa’iideystaan Madaxda Dowladda Federaalka.

Inta badan siyaasiyiinta Soomaalida ayaa u hanqal taagaya in dalka ay ka dhacaan doorashooyin,iyada oo mararka qaar ay dalka ka jiraan xaalado daran oo ay kamid tahay amni darro,hayeeshee Madaxda Dowladda Soomaaliya aysan siin wax jawaab ah.