Dadkii La Kulmay Xildhibaan Laga Helay COVID-19 Oo Lagu Raad-Joogo

0
421

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ka hadashay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaas oo laga helay Cudurka halista ee Coronavirus oo lagu karantiilay mid kamid ah Xarumaha loogu talagalay in dadka lagu karantiilo ee Muqdisho.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa uu sheegay in Maamulkiisa uu ku raad-joogo sidii loo heli lahaa Mas’uuliyiinta iyo dadkii shacab ahaa ee la kulmay Xildhibaan Khaliif Muumin Tooxow.

Waxaa uu Madaxweye Waare Alle Caafimaad deg deg ah uga baryay inuu siiyo Xildhibaan Khaliif Muumin oo laga helay Cudurka Coronavirus, waxaana Kiiskiisa uu noqday midkii ugu horreeyay ee laga helay Hirshabeelle.

Isaga oo sii hadlaayay Waare ayuu tilmaamay in muhiim ah tahay in la helo dadkii uu xiriirka la sameeyay Khaliif Muumin labadii Isbuuc ee lasoo dhaafay, si loo geliyo xaalad karantiil ah, maadama Cudurka uu yahay mid faafa.

“Waxaan u duceyneynaa in si deg deg ah uga soo kabto xildhibaan Hirshabelle iyo wasiiru dowlihii cadaaladda, Khaliif Muumin Tooxow, oo ah kiiska koowaad ee la xaqiijiyey ee cudurka COVID-19 oo laga helay Hirshabeelle, Waxaan hadda raadineynaa dhammaan kuwa laga yaabo inay la xiriireen isaga muddo 2 asbuuc ee la soo dhaafay, si go’doomin loo geliyo, looguna kuur galo xaaladooda”ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in gudaha dalka Soomaaliya laga helay 21-ruux oo qaba Cudurka Coronavirus, kuwaasi oo ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya.