Beled-Xaawo: Xaduudka Soomaaliya & Kenya oo la xirey

0
495

Maamulka Magaalada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqey inay xireen gebi ahaan isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee xadka u dhaxeeya Magaalooyinka Mandheera iyo Beled-Xaawo ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay,kadib markii Magaalada Mandera ee dalka Kenya xaduudna la leh Magaalada Beled-Xaawo laga xaqiijiyay laba kiis ee la xiriira xanuun Coronavirus.

Gudoomiyaha degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo Axmed Barre Sheekh Cabdullaahi ayaa sheegay inay qabaan walwal aad u sareeya,taas oo la xiriirta labada kiis ee Cudurka Corona ee laga helay  Magaalada Mandheera maadaama labada magaalo ay xiriir wada leeyihiin.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha inay gebi ahaanba joojiyeen isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee labada magaalo ee Mandheera iyo Beled-Xaawo.

Tallaabooyinkaas ayuu sheegay Guddoomiyaha in looga hortagayo Cudurka COVID 19,isla markaana ay xadka geeyeen Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey waxaa ay u qaadey tallaabooyin dhowr ah ay uga hortageyso cudurka Corona,iyada oo joojisey duulimaadyadii Caalamiga ahaa sidoo kale ku dhawaaqdey in la xirey isku socodka Cirka iyo Dhulka intaba.