Ciidamo Gaaray Wanla-Weyn Xili Ay Ka Jirto Xaalad Adeg

0
551

Taliyaha Guutada 7aad Qaybta 60 -aad Ciidanka Dhulka G/le Dhexe Cumar Cabdiraxmaan Abuukar oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka shabeellada hoose ayaa gaaray Magaalada wanla-weyn ee gobolkaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay xaalada dagaal ka jirtay.

Taliyaha waxaa ku weheliyay socdaalkiisa Wanla-weyn Taliye xigeenka Booliska Gobolka Sh/hoose G/dhexe Cali Maxamed Salal iyo Guddoomiyaha arrimaha Bulshada & wacyigelinta Gobolka Shabeellaha hoose Maxamuud Mirre.

Socdaalka taliyaha ayaa ahaa labo ujeedo oo kala ah howl ka dhan ah Al-shabaab iyo sidii loo xoojin lahaa nabad galyada gobolka.

Tan iyo markii loo magacabay G/dhexe Cumar Cabdiraxmaan taliyaha guutada 7-aad waxaa isbadal xoogan laga daremaya amniga deegaananada ay ka howl gasho guutada 7-aad iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.