Wasiir Caadle Oo Magacaabay Mas’uul Cusub (Wareegto)

0
575

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa waxaa uu Magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe ee dhinaca dib u heshiisiinta iyo Arrimaha Federaalka.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Caadle ayaa waxaa xilka Guddoomiye ku-xigeenka Shabeellaha Dhexe ee dhinaca dib u heshiisiinta loogu magacaabay inuu noqdo Maxamed Taakow Cabdi.

Wareegtada ayaa sidoo kale waxaa Dhammaan hay’addaha amniga Hirshabeelle iyo shacabka lagu faray inay la shaqeeyaan Mas’uulka Cusub si uu u gubto waajibaadkiisa shaqo.

Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.