Puntland oo u digtey dadka jaadka keena xilli la mamnuucey

0
504

Ciidamada Booliska Puntland ayaa gacanta ku dhigay qaad fara badan oo la doonayay in la galiyo gudaha magaalada Garoowe,kaas oo horey loo mamnuucey si looga hortago Cudurka,iyada oo lagu gubey Goob fagaaro ah oo ku taalla Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Goobta lagu gubey jaadka( Qaadka) ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Muxyadiin Axmed Muuse, Xubno katirsan garsoorka Puntland iyo laamaha ammaanka,kuwaas oo amaro Cusub kasoo saarey jaadka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Muxyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay in jaadka uu kamid yahay waxyaabaha laga mamnuucey deegaannada Puntland,isla markaana sida Khamriga oo kale ay ula dagaalami doonaan.

Waxaa uu sheegay in Ganaaxi doono sidoo kalena tallaabo Sharci ah laga qaadi doono Gaadiidka jaadka soo geliya deegaannada kala duwan ee Puntland,dadka ka Ganacsada iyo cid walba ee ku lug yeelata keenista Jaadka.