Dhageyso:-Maamulka Gobolka Bari oo digniin soo saarey

0
534

Maamuka Gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saarey digniin ku socota Ganacsatada ku nool Gobolkaas,taas oo ku saabsan inaysan qiima koror ku sameyn badeecadaha kala duwan oo ay iibinayaan.

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdi Samad Yuusuf Maxamed ayaa sheegay inay jiraan Ganacsato qiimo koror ku sameeyey badeecadaha kala duwan,iyaga oo ka faa’iideysanaya dagaalka lagula jiro Cudurka Coronavirus.

Ugu dambeyn waxaa uu Ganacsatada ku nool Gobolka Bari uga digey inay sare u qaadaan qiimaah maciisha,isla markaana dadkii lagu arko Xarumahooda ugu tegi doonaan tallaabana ka qaadi doonaan.