Mudanayaal katirsan D.D Somali galbeed oo laxiray

0
464

Wararka laga helayo Magaalada Jigjiga ayaa waxaa ay sheegayaan in la xiray madaxii hab-maamuuska ee madaxtooyada maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida  Cabdulqaadir Sheekh Axmed Bisle.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in la xirey Madaxii hoggaanka Nanadgelyada ee dowlad deegaanka Soomaalida Caabdi Caadil,kadib markii xilka qaadis lagu sameeyey.

Arrintaan ayaa waxaa ay kusoo aadey xilli inta badan xilalkii laga qaadey Xubnaha Sar sare ee Hoggaanka Nabadgelyada dowlad degaanka,isla markaana la Magacaabey Xubno Cusub oo kale.

Sababta tallaabooyinkan loo qaaday ayaan ilaa hadda rasmi ahaan loo shaacin, waxaana la filayaa in maamulku saacadaha soo socda uu faahfaahin ka bixiyo tallaabooyinkan.

Dalka Itoobiya gobolladiisu waxay leeyihiin hoggaan amni oo ka mid ah jagooyinka ugu awoodda badan marka laga reebo madaxweynaha maamulka.