Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,iyo Wafdi uu hoggaminayo ayaa Maanta ku wajahan deegaanka Mareer Gur oo duleedka ka ah deegaanka Godinlabe.
Ujeedada safarka Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa lagu sheegay in deegaanka mareer Gur uu kula kumi doono wafdi ka socda Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca.
Madaxtooyada Galmudug ayaa xaqiijisay in madaxweyne Xaaf uu wadahadalo Mareer Gur kula yeelan doono Xubno ka socda Maamulka Ahlusuna Wal-Jamaaca oo ka soo horjeeda siyaasada Maamulka Galmudug.
Madaxweyne xaaf,ayaa markii la doortay waxa uu sheegay in uu dib u heshiisiin ka dhex sameyn doono Shacabka degaanada Galmudug,iyo waliba in uu wadahadal la sameyn doono Ahlusuna Wal-Jamaac
Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Radio Cadaado iyo Webkeena