Dowladda oo ka hadashay Go’aanka Bangiga Aduunka & IMF

0
376

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyley ayaa sheegay in guusha laga gaaray dayn cafinta in ay ku timid dadaal xooggan oo dowladdu ku bixisay dib u habeynta dhaqaalaha dalka ayna sii wadi doonto si ay u xaqiijiso horumar dhaqaale.

Wasiir Beyle ayaa faah faahin ka bixiyay Soomaaliya oo gaartay barta go’aan qaadashada dayn cafinta iyo tallaabooyinka xiga ee ay Dowladdu qaadi doonto.

Waxaa uu sheegay in Madaxda Soomaalida iyo Shacabkooda ay iska kaashadeen qorshahaan,sidoo kale uu horey Washington uu kula kulmey Madaxda Bangiga Aduunka & IMF,isla markaana Soomalaiya ay guul u tahay.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Wasiirka in tallaabada xigta ay tahay in deyn cafinta dhinac laga wado dalkana ay dhinac kale lacago kasoo gasho,sidoo kalena tani ay fududeyneyso in Soomalaiya ay hesho lacago farabadan.