Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in safaaraddu ay shaqada hakin doonto muddo toddobaad ah oo ka billaabanaysa maalinta Talaadada ee berrito, si looga fogaado faafidda cudurka COVID-19, kaas oo kiisas la xiriira horay looga helay dalka Kenya.
Safiirka ayaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya ugu baaqay in ay raacaan tilmaamaha ay dowladda Kenya bixisay, si looga fogaanayo faafidda cudurka Coronavirus.
Dowladda Kenya ayaa xirtay dhamaan goobaha la isugu yimaado, iyadoo ku baaqday in shaqooyinka laga fasaxo dadka laga maarmo ama ay xaafadahooda ka soo shaqo tagaan, waxaana Kenya laga helay 17 ruux oo qaba Coronavirus.