Hawlgalka AMISOM ayaa sheega in ay wareejiyeen mas’uuliyuadda degaan ay ku noolaayen dad rayid ah oo ka tirsan xerada AMISOM ee magaalada Muqdisho.
Amisom waxay sheegtay in wareejintaasi ay qayb ka ahayd qorshaha kala guurka ee mas’uuliyadda amniga loogu wareejinayo dawladda Soomaaliya.
Hase yeeshee goobta la wareejiyey waxay ahayd meel ay ku noolaayeen dad rayid ah oo u badan dumar iyo carruur oo xiritaankeeda ay codsadeen mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya kadib markii ay soo baxeen eedo ku saabsan xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo lagu eedeeyey AMISOM.
Masuuliyii uu ka mid yahay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa la sheegay in uu ka qeyb qaatay sidii dadka lahaa loogu wareejin lahaa dhul deegaan ah oo ku dhexgaalla xerada Xalane ee magaalada Muqdisho taas oo markii dambe suurtagasbay.