Wufuud kusii qul quleysa Dhuusamareeb

0
458

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa Maanta gaarey Xubno kamid ah Guddiga qaban qaabada xaflada Caleemo-saarka Madaxda Cusub ee Galmudug ee halkaasi lagu doortey.

Xubnaha Maanta halkaasi gaarey ayaa waxaa hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Siyaasiga Yuusuf Garaad Cumar,waxaana Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Ujeedada tegitaanka guddiga ee Magaalada Dhuusamareeb  ayaa ah qiimeyn iyo sahmin tasiilaadka loo baahanyahay iyo goobaha loo diyaarinayo dajinta martida balaaran ee kasoo qeybgalaysa munaasbadda caleemar saarka.

Guddiga ayaa la kulmi doona madaxda Galmudug si ay ugu dhawaaqaan xilliga munaasabada caleema saarka la qabanayo.