Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ku dhex-marey degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid,kadib markii ay Al-Shabaab ku qaadeen weerar ku bilaawdey madaafiic degmada Awdheegle,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in uu halkaasi ka dhacay dagaal socdey ku dhow saacad.
Dad ku sugan degmada Awdheegle ee Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah,hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha so gaarey labada dhinac maadaama xilli habeen ah uu dhacay dagaalka.
Saraakiil ka tiran millateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen inay sika difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya.
Wararkii ugu dambeeyey ee saaka naga soo gaaraya degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada degmada ay tahay mid degan,hayeeshee Ciidamada Dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo iyo Howlgallo.