Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa nin ka soo jeeda qoys sabool ah oo u dhashay dalka Ghana u rumeysay riyadiisa oo aheyd inuu mar un soo xajiyo.
Ninkan oo lagu magacaabo Al Hassan Abdullah ayaa sheekadiisa ay aad u qabsatay baraha bulshada iyo warbaahinta Turkiga, kaddib markii Wariyeyaal Turkish ah oo muuqaal ka duubayay tuuladiisa, iyagoo adeegsanaya Diyaarad yar oo nuuca Drone ee muuqaalada duubta ay si lama filaan ah ugu degtay meel ku dhow gurigiisa
Al Hassan ayaa diyaarada yar inta uu soo qabtay waxaa uu si lama filaan ah u weydiiyay wariyaha Turkiga inay u qaadi karto magaalada barakeysan ee Makkah, si uu u soo xajiyo sanadkan.
“Hadii ay midan diyaarad weyn ahaan laheyd Sacuudi Carabiya ma inoo qaadi laheyd”ayuu ku yiri ninkan wariyihii Turkiga ahaa, waxaana sheekadan ay noqotay mida ugu hadal heynta badan baraha bulshada.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheekadan markii uu maqlay soo fara geliyay, isagoo ka caawiyay ninkii Ghana u dhashay inuu gacan ka geysto sidii sanadkan Xajka loogu soo qaadi lahaa.
Al-Hassan Abdullah ayaa jimcihii la soo dhaafay ka soo ambabaxay magaalada Accra ee dalka Ghana, isagoo la geeyay magaalada Istanbul, si uu u sii aado dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu ka mid noqdo malaayiinta Muslimiinta ee sanadkan xajinaya
Al-Hassan Abdullah oo la hadlay Wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu soo gaaro Istanbul “Alle ayaa u mahad celinayaa, waan u duceynayaa cid kasta oo iga caawisay in riyadan ay ii rumowdo, kaalmadan dowladda Turkiga ii fidisay waa mid aad u qiimo badan, waxaan aaminsanahay in tani ay caddeyn u tahay saaxibtimimada, walaalnimada Muslimiinta”ayuu yiri Al-Hassan Abdullah
Cihad Gokdemir oo ah Kuxigeenka Madaxa Hey’addaha sama falka Turkiga oo Al-Hassan Abdullah ku soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in sheekada uu Twitter-ka soo geliyay wariyaha u shaqeeyay TRT ay qabsatay cinwaanada warbaahinta Turkiga, waxaa uu tilmaamay in askari Sarkaal Boolis ka tirsan Safaaradda Turkiga ee Ghana oo la soo xiriiray uu si weyn ugu mahad celiyay dadka Turkiga.