Wafdi gaarey Dhuusamareeb oo kulamo halkaasi ka bilaabey

0
498

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, ayaa kulan casho ah la yeeshay hay’adaha u xilsaaran dhammeystirka Dastuurka KMG, oo shalay gaaray Magaalada Dhusamareeb.

Munaasabaddan casho sharafta ah oo ka dhacday aqalka Madaxtooyada, Waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug, Guddoonka Golaha Barlamaanka, iyo xubana kamid labada Gole ee Galmudug.

Munaasabadaas waxaa ka qeyb galay Wasiika Wasaaradda Dastuur JFS, Guddoomiyaha Guddiga la socodka, dib-u- eegista iyo hirgelinta dastuurka, & Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista dastuurka.

Hay’adaha Dastuurka ayaa Maalmaha ay joogaan Dhuusamareeb, la tashi la yeelan doona hay’adaha dowliga ah iyo laamaha kala duwan ee bulshada iyagoo ka dhageysan doona taladooda iyo aragtidooda ku aadan dib u eegista dastuurka qabyadaha ah