Dhagayso Maamulka Dagmada Hobyo Oo Ka Warbixiyay Maalgashadayaal Caalami Ah Oo Gaaray Hobyo

0
869

Gudoomiye Kuxigeen dagmada hobyo ee dawlad gobaleedka galmudug Maxamuud Maxamed Cawaale  oo waraysi gaar ah siiyay Radio Cadaado ayaa ka warbixiyay wafdi balaaran oo gaaray Dagmada  hobyo oo iskugu jira ganacsato soomaali ah iyo kuwa ajnabi ah

Wafdigaan oo kasoo amba baxay magaalada muqdisho ayaa waxa ay dagmada hobyo u tageen sidii ay ugu kuurgali lahaayeen dhaq dhaqaaqa ganacsi ee dagmada hobyo ayagoo doonaya in ay maalgashi ganacsi Ka Sameeyaan magaala xeebeedka hobyo ee gobalka mudug

Gudoomiye Kuxigeenka ayaa sheegay in ganacsatada ay kala hadleen arimo dhowr ah oo la xariira hormarka magaalada hobyo iyo sidii loo maalgashan lahaa magaalada hobyo ee xarunta dhaqaalaha galmudug

Kulanka dhexmaray maamulka dagmada hobyo iyo ganacsatada gaaray magaalada hobyo ayuu gudoomiye Kuxigeenku sheegay in la isku afgartay in ganacsatadu ay ka qayb qaataan hormarka balaaran ee haatan laga dareemayo magaalada hobyo gaar ahaan dhanka ganacsiga

Dhinaca kale gudoomiyaha ayaa ka warbixiyya xaalada guud ee magaalada hobyo

Halkaan Kadhagayso Wareysi Uu Gudoomiye Kuxigeenka Layeeshay Wariye Sharmaarke Suuley