Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in Puntland ay soo dhaweyneyso hogaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud oo gelinkii dambe ee shalay gaaray Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, hayeeshee arrintaas ayaa waxaa ka hadlay maamulka Puntland.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhanka Puntland Axmed Muuse Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in Puntland ay soo dhaweyn doonto Macalin Maxamuud oo ku sugan Waqooyiga Gaalkacyo.
Sidoo kale Guddoomiye Axmed Muuse ayaa waxaa uu sheegay in wax xiriir siyaasadeed uusan ka dhaxeyn Maamulka Puntland iyo Ahlusunna Waljamaaca, isla markaana Puntland aysan soo dhaweyn doonin Macalinka.
Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhanka Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa waxaa uu tilmaamay in Culimadda Ahlusunna ay deegaanada Puntland u imaan karaan Soomaalinimo.
“Ahlusuna nalama joogto noomana soo socoto, mana doonayno in iyagoo caraysan inoo yimaadaan laakiin iyagoo culimo ah Soomaalinimo waan u imaan karan Puntland” ayuu yiri Axmed Muuse.
Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo ah hogaamiyaha Ahlusunna ayaa haatan ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee dhanka Puntland, waxaana safarkiisa halkaas uga sii gudbi doonaa Magaalada Garoowe, iyadoona warar soo baxayay ay sheegayan in halkaas uu kula kulmi doono Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.