Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Shil Khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada u dhexeeysa Isgoyska Dabka iyo Bakaaraha.
Shilkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii gaari nooca Cabdi Bilaha ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya uu jiiray Mooto Bajaaj ay saarneyd Haweeney.
Goobjoogayaal ah la hadlay Warbaahinta ayaa waxay sheegeen in gaariga Ciidanka ay saarnaayeen uu ku socday xawaare sare uuna mar qura jiiray Mootada oo xiligaas wadada socotay.
Darawalkii waday Mootada iyo haweeneydii Bajaajta la socotay ayaa waxaa soo gaaray dhaawac Culus, waxaana durbo loo qaaday mid kamid ah Xarumaha Caafimaad ee Muqdisho.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca shilal kala duwan oo Khasaaro geysta, kuwaasi oo inta badan ka dhasha gaadiidka oo si xawaare sare ah loo wado iyo siyaabooyin kale.