Wararka laga helayo degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowladda ku leeyihiin degmadaas,waxaana jiray dagaal kooban oo ka dhacay halkaas.
Gooobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in mar qura ay maqleen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Ciidanka Dowladda & kuwa Ururka Al-Shabaab,balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay maadaama ay aheyd xilli habeen ah.
Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee degmada Baardheere ayaa waxaa ay sheegeen inay ka warhayeen weerarkaas iskana difaaceen Al-Shabaab,sidoo kalena ay dagaalkii dhacay ku dileen hal xubin mid kalena nolosha ku qabteen,walow aysan jirin dad madax banaan oo xaqiijinaya Warkaas.
Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa 25-kii Bishii la soo dhaafay ee Febaraayo waxaa Al-Shabaab xilli habeen ah ku dileen degmadaas saddex Guddoomiye Waaxeed oo ka tirsanaa Maamulka degmada,waxaana taasi ay walaac ku abuurtay dadka ku nool degmadaas.
Wararkii ugu dambeeyey ee saaka aan ka heleyno degmada Baardheere ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,hayeeshee Ciidanka Dowladda ay daafaha Magaalada ka wadaan howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan.