Booliska Spain Oo Ogaaday Cida Ka Dambeysay Weerarkii Lagu Soo Qaaday Dalkooda

0
719

Booliska dalka Spain ayaa sheegay in qofka looga shakisan yahay inuu qaaday weerrarkii Barcelona uu weli dhuumaalaysi ku jiro.

Waxa uu boolisku baadigoobayaa nin lagu magacaabo Yoonis Abuu Yacquub, kaas oo ay haatan rumaysan yihiin inuu yahay qofka habeenkii Khamiistii gaariga dadka faraha badan ku jiirsiiyay xaafadda Las Ramblas ee magaalada Barcelona.

Weerrarka Khamiistii ayaa lagu gaystay gaari nooca Fiat-ka ah oo la jiirsiiyay dad marayay hareeraha waddooyinka xaafadda Ramblas, iyadoo halkaana ay ku dhinteen 13 qof tobannaan kalana ay ku dhaawacmeen.

Booliska ayaa markii hore sheegay in nin lagu magacaabay Muusa Awkabir uu ka dambeeyay weerarkii gaariga lagu jiirsiiyay dadka.

Balse waxaa hadda la ogaaday in Muusa uu ka mid ahaa shantii nin ee ay boolisku ku dileen deegaanka loo dalxiis tago ee Cambrils.

Laamaha ammaanka ayaa hadda ku daba jira laba qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka mid ahaayeen kooxda weerarkaasi soo maleegtay.

Dhanka kale waxaa xalay kulamo duco iyo maamuus ah loo sameeyay dadkii ku dhintay weerarkii Barcelona.

59 ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa weli ku jira cisbitaallada, 15 ka mid ahna waxaa laga dayrinayaa xaaladooda.

Todobo ka mid ah dadka ku dhintay weerarkaasi ayaa la sheegay inay kala yihiin 5 Spain u dhalatay, mid Talyaani ah iyo mid Bortaqiis ah.

Booliska ayaa sheegay in ragga weerarkan fuliyay ay qorshaynayeen weerarro ballaaran oo geysta khasaaro intaa ka badan.

Muusa Awkabir ayaa la sheegay inuu ahaa 17 jir u dhashay Spain, kana soo jeeda magaalada Girona, halka tuhunsanayaasha kalena ay u badnaayeen muwaadhiniin Morocco u dhashay.