Ciidanka dowladda oo la wareegay xarunta INJ oo ay ku sugnaayeen Madaxda Ahlusunna

0
448

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegay xarunta INJ ee Magaalada Dhuusamareeb oo ay ku sugnaayeen Madaxda Ururka Ahlusunna.

Hogaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Sh Xassan iyo Sh. Shaakir oo Ahlusunna u dooratey Madaxweyne ayaa  isku dhiibey Ciidamada Dowlada Faderaalka .

Madaxda Ahlusunna ayaa isku dhiibay General Mascuud oo horay uga tirsanaa Ahlusunna,islamarkaana damaanad qaaday Ammaankooda.

Ciidamadii iyo gaadiidkii dagaal ee Xerada ku jiray ayaa iyaguna si buuxda ugu wareegay dhanka Dowlada .

Wasiirka Amniga Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf Direed ayaa ka mid ah dadka isku dhiibay Ciidanka dowladda.