Somaliland oo ka hadashay dagaalkii ka dhacay Gobolka Sanaag

0
516

Taliska guud ee Ciidanka Soomaaliland ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal deegaanka Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag ku dhexmaray Ciidamo ka kala tirsan  Soomaaliland iyo Maamul goboleedka Puntland.

Qoraal kasoo baxay Taliska Guud ee Ciidamaa Soomaaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Puntland ay laba maalin oo isku xigta weeraro ku qaadeen deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag oo kala ah Magaalada laasqoray iyo deegaannada hadaaftimo,hayeeshee Ciidamada Soomaaliland ay is difaaceen.

“Waxaa jira inay puntland ciidamadoodu weerareen shalay 25/2/2020 barasaabka laas qoray ee Somaliland isku dayeena inay dilaan , hase ahatee ilaahay ka badbaadiyay , waxay daandaasi joogta ku hayaan dadka Somaliland ee degan badhan iyo degaanada ku hareeraysan, Saaka abaaro 6 30 subaximo , waxay ciidamada puntland isku day dagaal ka bilaabeen degaanka kadhada oo 18 km u jira yube , halkaana waxaa isku haleelay ilaalada hore ciidanka qaranka iyo dagaal oogayaasha ciidanka puntland halkaas oo ciidanka qaranku dhirbaaxo lama ilawaana ku dhuftay kana soo hooyeen guulo iyagoo ka qabsaday hub iyo gadiid intaba ayaa lagu yiri”Qoraalka Taliska Guud ee Ciidamada Soomaaliland.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliland aysan marwalba dagaal diyaar u aheyn,hayeeshee ay iska difaacayaan hadii lagu soo duulo,iyaga oo Puntland ku eedeeyey inay colaad ka abuureyso deegaannada Gobolka Sanaag.

Qoraalka kasoo baxay Taliska Guud ee Ciidanka Soomaaliland oo uu ku saxiixnaa Afhayeen Ciidanka Soomaaliland G/sare Cabdi C/laahi Xasan ( C.dheere) laguma shaacin khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac ee ka dhashay dagaalkaas.