Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Mehmet Yilmaz.
Kulan ay yeesheen ayaa waxaa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada nacfi wadaagga, gaar ahaan is-weydaarsiga ganacsiga iyo ballaarinta mashaariicda maalgeshiga.
Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ay leeyihiin xiriir taariikheed qotodheer, laguna garto kobaca hallaasiga ah ee gaarka ah ee sarreeya ee ku dhisan wadatashi, iskaashi iyo booqasho isdhaafsiga heerarka kala duwan leh.
Safiirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Mehmet Yilmaz ayaa horay ula kulmey Madaxda ugu sareysa dalka,Xubno kamid ah labada Gole ee dowladda iyo mas’uuliyiin kale.