Dowladda oo faah faahisey duqeyn lala beegsaday Xarumo Al-Shabaab

0
440

Dowladdda Soomaaliya ayaa waxaa ay faah faahin ka bixisey duqeyn dhinaca Cirka ah oo,iyada oo kaashaneysa Mareykanka laga fuliyey Magaalada Dujuuma ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas lala beegsaday Xarumo ay leeyihiin Ururka Al-Shabaab laguna burburiyey.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Duqeyntan oo ahayd mid lagasoo baaraandegay ayaa lagu dhaawacay saddex Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana lagu burburiyey xarun Al-shabaab oo halkaa lagu ogaa.
DFS iyo Ciidanka AFRICOM ee Mareykanka ayaa qaadaya tallaabooyin dheeri oo laga taxadarayo waxyeellada shacabka inta lagu gudajiro la dagaalanka Al-Shabaab iyada oo si buuxda loo baarayo eedo walba oo soo baxa. Imankadan la joogo ma jirto cid rayid ah oo wax ku noqotay hubintii la sameeyey weerarkaan isaga ah.

Duqeymaha dhawaanahan lagu beegsanayay xubno ka mid ah madaxda Al-Shabaab ayaa waxay ka dhigantahay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ciidankeeda gaarka ah ee DANAB oo gacan ka helaya Ciidanka AFRICOM ee Mareyka ay ka go’antahay jabinta kuwa argagaxa iyo dibindaabyada ku haya dadka Soomaaliyeed ayaa lagu yiri War-Saxaafadeedka Wasaaradda Warfaafinta.

Haweenka Soomaaliyeed dawr muhiim ayay ka qaataan dib udhiska Dawladda Federaalka Soomaliyeed iyo qaabeynta dhaqanka. Dumarka ku biira Alshabaab qanaacadooda darteed ama taageera falalkooda argagaxiso waa AlShabaab. Ragga iyo dumarka oo si qasab ah loogu daray Al-shabaab ama lagu dirqiyey inay taageeraan afkaarta Al-Shabaab ayaa wali waxay haystaan fursad ay kaga soo baxsan kartaan Alshabaab ayaa la sii raaciyey warka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalka dowladda ayaa waxaa lagu yiri” DFS, Xooga Dalka, Ciidanka Danab iyo dadka Soomaaliyeed ee hubka u qaaday ee kula dirira Alshabaab ayaa kadaalin dagaalka ay kula jiraan  Al-Shabaab waxay intaa u marayaan in ay dadka Soomaaliyeed kusoo dabaalaan nabad iyo dhul xasilan.

DFS iyo dowlad Goboleedyada iyo bahwadaagtooda caalamiga dhamaan way ka go’antahay ladagalaanka argagaxisada Alshabaab iyada oo aan loo eegay rag iyo dumar ka ay doonaan ha ahaadeene si markaa looga baaqsado dhimashada soo gaadha dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan ee leh rag, dumar iyo carruurta Soomaaliyeed iyo dalalka nala deriska ah. Dadaaladan aynu ku ilaalinayno shacabka ayaa aad uga duwan falalka gurracan ee ay Alshabaab weerarro aan loo meeldayin had iyo jeer ku beegsadaan meelaha shacabka ku badanyihiin ee Dalka Soomaaliya ayaa lagu yiri War-Saxaafadeedka Wasaaradda Warfaafinta.

Waa duqeyntii Saddexaad oo todobaad gudihiis Mareykanka uu ka fuliyo deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe oo ay gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab.