Shabaab oo gowracay Saddex qof oo Kenyan ahaa August 18, 2017

0
798

Ururka Al Shabaab, ayaa weerar ay ka gaysteen Gobolka Xeebta Kenya waxay ku dileen ugu yaraan Saddex qof, iyagoona gubay dhawr guri.

Gudoomiyaha Degmada Lamu, Gilbert Kitiyo, ayaa sheegay in weerarkaasi uu saqdii dhexe ee xalay ka dhacay xaafadda Maleli, oo ku dhow Deegaanka Witu.

Gudoomiyaha, ayaa intaa ku daray in sidoo kale ay Shabaabku dab qabadsiiyeen tiro guryo ah, ka hor intii ayna ka baxsan xaafadda Maleli, sida uu yiri.

Gilbert Kitiyo, Gudoomiyaha Degmada Lamu oo la hadlay Warbaahinta, ayaa tibaaxay in saakay ay Saraakiil iyo ciidan boolis ahba u direen goobta ay dhibaatadu ka dhacday.

Dadka deegaanka, ayaa Warbaahinta u sheegay in Saddexda qof ee la dilay ay rag yihiin. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Shabaabku ay iska dhaafayeen dumarka iyo carruurta.

Gilbert Kitiyo, ayaa tallaabada lagu beegsanayo ragga waxaa uu ku macneeyay mid ay Shabaabku ku niyad jebinayan haweenka iyo dhallaanka.

Waa weerarkii labaad oo toddobaadkan ay Shabaabku ka gaysaan dalka Kenya, Gelinkii dambe ee Talaadadii, ayay ahayd markii shan askari ay ku dileen wadada xiriirisa Lamu iyo Garissa, ka dib markii ay saban/baasuuke la helleen gaari Cabdi Bille ahaa, oo askartaasi ay la socotay.

http://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/05/