Dowlada Galmudug Oo Si’kulul Uga Hadashashay Dagaal Hada Ka Socda Gobalka Galgaduud

0
715

Dowlada Galmudug Somaliya Ayaa  maanta sikulul uga hadashay dagaalka maalintii labaad ka socda qaybo  oo ka’mid ah gobalka galgaduud.

Wasiirka Awqaafta iyo arimaha diinta dowlada galmudug Shiikh Mursal Cabdi Raxmaan oo la’hadlay allgalmudugnews ayaa shegay in xalada deeganka xeraale ay maanta kacsantahay isla markaana waxa uu maamulka Ahlusunna ku eedeeyay inay hurinayaan colaada xeraale.

Wasiirka Mursal Ayaa sheegay in xalada dadkii ku barakacay dagaalada ay hada tahay mid aad uleedata waxa uuna masuulidaya dhibaatadaasi dusha kaga tuuray maamulka ahlusunna.

Ugu Danbeentii wasiirka awqafta iyo arimaha diinta galmudug ayaa dowlada fadaraalka ah ugu baaqay in ay ka qabqaatan xal uraadinta xalada xeraale,

Halkaan Ka Dhagayso Codka Wasiirka Oo U Waramay Maxamed Cabdulaahi Baxnaaniye