Maamulka Hir-Shabeelle oo ka hadlay dagaalka Magaalada Jowhar

0
457

Xalay waxaa Magaalada Jowhar muddoo ku dhow hal Saac uu dagaal culus ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka oo ka dhacay Xaafada Horseed ayaa la xaqiijiyey in uu sababay dhaawaca hal askari,waxaana dagaalkaas faah faahin ka bixiyey Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Wasiirka Amniga Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay in Xubno ka tirsan Al-Shababa ay so weerareen Koontorool laga soo galo Magaalada Jowhar,hayeeshee Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay iska difaaceen.

“Al-Shabaab ayaa isku dayay iney amaanka qal qal galshaan waxeyna Rasaas Kusoo Tuur Tuureen Bar Fariisan u ah ciidanka amaanka Hirshabelle oo bananka Magalada ah , taasoo laga Kontoroolo Dhaq dhaqaqa dadka soo galo Magalada iyo Dadka kabaxa, kooxahii soo Rabshadeyayna Fariisimahena ciidanka Amniga ayaa ku daba jiro sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa ayuu yiri”Wasiir Maxamed Kheyre.

Xaalada Magaalada Jowhar ayaa ah mid degan,.waxaana saaka si caadi ah u Shaqeynaya dhaq dhaqaaqa Gaadiid iyo Ganaccsiga,hayeeshee siweyn looga dareemay dagaalka dhex-maray Ciidanka Dowladda & kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.