Wasiirka badroolka iyo Macdanta Xukuumadda Cabdirishiid Maxamed Axmed oo booqasho laba cisho ah ku jooga Caasimada dalka Suudan ee Khartoum ayaa booqday xarumaha Kala duwan ee lagu soo bandhigo wax soo saarka dahabka ee dalka suudaan waxana Wasiirku uu kulamo la qaatay madaxda shirkadaha macdanta.
Waxaana Eng Cabdirishiid Maxamed Axmed uu madaxda shirkada uu uga warbixiyey sidii Soomaaliya diyaar ugu tahay in ay ka faaidaysato khayraad-keeda dabiiciga ah gaar ahaan wax-soo saarka mac-danta iyo baadroolka.
Dhan-ka kale Wasiirka baadroolka iyo Macdanka Soomaaliya Eng Cabdirshiid Maxmed Axmed ayaa heshiis is kaashi la saxiixday wasiirka dhigiisa ah ee dalka Suudaan Caadil Ali Ibraahim Waxaana heshiiska goob-joog ka ahaa safiirka Soomaaliya amb-Maxamed Sheekh Isxaaq qunsulka safarada Cusmaan Axmed Maxamed madaxa Ganacsiga safaarada Yuusuf Jeego yo Xubno kale.