Xilliga loo asteeyey in la toogto ragii dilay Caaisha oo Maanta ku beegan

0
434

Maanta ayay ku beegan tahay xiligii Xeer ilaalinta Guud ee Dowlad Goboleedka Puntland u asteeysay in dil toogasho lagu fuliyo Saddex Rag ah oo loo heysto kufsigii iyo dilkii Gaalkacyo loogu geystay Gabar 13 jir aheyd oo lagu Magacaabi jirey Caaisho Ilyaas Aadan.

Saddexda Ragga ah ayaa waxaa lagu kala Magacabaa C/fataax C/raxmaan Warsame, C/salaan C/raxmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige,waxaana maxkamadeyntooda ay soo martey heerar kala duwan,isla markaana ugu dambeyn Maanta oo ku beegan 11 Bisha Febaraayo loo asteeyey in la toogto.

Xeer ilaalinta Guud ee Dowlad Goboleedka Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa 12-kii Bishii Janaayo ee sanadkaan go’aamiyey in Maanta oo Talaado ah xukunka dilka ah lagu fuliyo Saddexda ah,kuwaas oo u xiran Xabsi ku yaalla Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

Raggan Saddexda ah ee loo heyso kufsigii iyo dilkii Caaisho Ilyaas Aadan oo lagu kala Magacaabo C/fataax C/raxmaan Warsame, C/salaan C/raxmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige ayaa 12-kii Bishii May ee sanadkii tegay ee 2019 waxaa Maxkamadda Gobolka Nugaal ay ku ridey xukun dil ah,iyada oo Maxkamadda Racfaanka ay ku raacday xukunkaas,kadib markii ay racfaan ka qaateen.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goor sii horeysay wax laga weeydiiyey sababaha loo fulin la’yahay xukunka dilka ah ee Saddex ragga ah,waxaana uu sheegay in taasi ay go’aan ka gaari doonaan maxkamadaha Puntland.