Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Somaliland oo kusii jeedda Addis Ababa

0
483

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland ayaa galabta u safray magalaada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Biixi ayaa Addis Ababa kulamo kula yeelanaya madaxda Africa oo uu halkaas uga socdo shir madaxeedka midowga-sida ay sheegtay madaxtooyada Somaliland.

Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa ku sugan Addis Ababa balse madaxtooyadu ma sheegin in ay kulmayaan iyo in kale.