Shir Madaxeedka Afrika oo furmey & Farmaajo oo ka qeyb-galaya

0
488

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa Maanta oo Axad ah waxaa si rasmi ah uga furmay Shirka 33-aad ee Madaxda Dowladaha iyo dalalka ku mideysan Midowga Afrika.

Shirkan oo socon doona inta u dhexeeysa 9-10-k a bishan Febaraayo ayaa waxaa lagaga arrinsanaya dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka.

Shirkaan ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya uga qeyb galaya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo, iyagoona gelinkii dambe ee shalay gaaray Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan la yeelan doona Madaxda heer qaaradeed, masuuliyiinta sarsare, hoggaanka Hay’adaha iyo ururrada Caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 33-aad ee Midowga Afrika.