Muwaadin Soomaaliyeed oo Tooreey lagu diley K/Afrika

0
486

Muwaadinkaan Soomaaliyeed ayaa waxa lagu diley meel u dhow Goob Ganacsi uu ku lahaa deegaanka Erzikh oo u dhow Xaafada Bellville ee Magaalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Dilka Muwaadinka Somaaliyeed oo lagu Magacaabi jirey C/qaadir Cabdulle Gacal ayaa yimid,kadib markii agagaarka goobtiisa Ganacsi ay dhalinyaro Koonfur Afrikaan ah ka bilaabeen fowdo iyo inay dhagxan ku tuuraan Goobaha Ganacsiga,isla markaana uu kusoo baxey,hayeeshee dood dheer kadib Dhalinyaradi ay Tooreey ka geliyeen Luqunta.

Mid kamid ah Soomaalida ku nool Xaafada Erzikh ayaa sheegay in C/qaadir Cabdulle Gacal uu soo gaarey dhaawac culus,hayeeshee ugu dambeyn uu ku geeriyooday Isbitaal la geeyey si loogu daaweeyo.

“Waxay aheyd Abaare 10:30 Habeenimo Marxuum Gacal waxa ay murmeen Dhallinyaro fawdo iyo tuuryo ku waday dukaankiisa oo ku yaalla Xaafadda ay dadka Midabka ah degaan ee Erzikh oo masaafo aan sidaasi u fogeyn u jirta Xaafadda Bellville ee Magaalada Cape Town, markii uu is yiri banaanka u bax ee iska canaano Ciyaalkaan, ayuu ka warheley Toorey kaga dhacday Luqunta, islamarkiiba waxaa loola cararay Isbitaalka Tygerburg ayuu yiri”Qof ku sugan Koonfur Afrika.

Raggii ka dambeeyey dilka ayaa goobta ka baxsadey,waxaana wararka la helayo ay sheegayaan Ciidamada Booliska Koonfur Afrika ay wadaan baaritaano la xiriira dadkii ka dambeeyey falkaas.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu kamid yahay wadamada ugu badan ee Soomaalida loogu geysto dhibaatooyinka kala duwan,waxaana dalkaas ku sugan Soomaali u badan Ganacsato oo markasta la dilo lana boobo hantidooda.

Dhawaan dowladda Soomaaliya ayaa Safiir Cusub u Magacaawday dalkaasi Koonfur Afrika,waxaana Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas ay dalbadeen in uu Madaxda dalkaas kala hadlo dhibaatada lagu haayo.