Wasiir Janan oo Sharaxaad ka bixiyay qaabkii uu uga baxsaday goobtii lagu hayay

0
427

Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan ayaa markii ugu horreysay Faahfaahin ka bixiyay qaabkii uu kaga baxsaday magaalada Muqdisho oo uu dowladda Soomaaliya ugu xirnaa Muddo Shan Bilood ah.

Wasiirka oo la hadlay BBC ayaa sheegay in aan la geyn xabsi laakiin lagu haayay Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho oo marba Xaafad la geyn jiray.

“Sida uu horayba sarkaal ka tirsan ciidamada asluubta Soomaaliya bulshada ugu caddeeyay, aniga xabsi la ima geynin. Markii garoonka diyaaradaha la iga qabtay, waxaa i qabtay niman boolis ah oo labisan iyo niman dharcad ah oo isla socda, mid ka mid ah dharcadka ayaana amrayay ciidanka”, ayuu yiri. Janan

Janan aya ka hadlay qaabkii loola dhaqmay intii gacanta lagu hayay.

“Aniga iyo niman askar ah oo dhowr iyo toban ah ayaa isla joognay xaafado ay dad shacab ah u dhisteen si gaar ah, halkaas ayaana la igu hayay. Runtii askarta gacanta igu heysay wax xumaan ah oo ka baxsan amarrada la siinayay oo ay ii geysteen ma jirin, laakiin waxaa jirtay xumaan farabadan oo amarro askartaas lasoo siiyay ah oo ay ku khasbanaayeen inay fuliyaan”.

Mar la weydiiyay su’aasha ku saabsan inuu ka warramo qaabkii uu ku baxsaday, Cabdirashiid wuu qoslay, wuxuuna ka bixiyay sharraxaad:

“Way jirtaa inaysan cidna i sii deynin, howl aan aniga isku xirxiray oo uu Rabbi ii fududeeyay ayaan kusoo baxsaday”, ayuu yiri.

Isagoo sii faahfaahinaya ayuu yiri: “Markii aan ogaaday inaan la i sii deyn doonin ilaa wax kasta oo ay dowladda federaalka rabto ay ka sameysato Jubbaland, waxaan go’aansaday inaan qorsheeyo sidii aan uga bixi lahaa gurigii la igu hayay, kaddibna shan boqol oo kiiloo mitir ayaan soo maray badda”.

“Markii aan baxay kaddib saddex maalmood iyo saddex habeen ayaan joogay Muqdisho. Waxaana ii suurtagashay inaan xilli maalinnimo ah soo raacay doon. Doonta waxaa ii waday niman Soomaaliyeed oo iyaga iska leh, cidna ima soo raacin oo kaligey baan ahaa”, ayuu yiri.