Wararkii ugu dambeeyey Ciidamada Dowladda oo degmooyin la wareegay

0
458

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay si buuxda Gacanta ugu dhigeen degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo,halkaas oo shalay uu safar deg deg ah ku tegay Wasiirka Amniga Jubbaland C/Rashiid Xasan Cabdi Nuur Janan oo Dowladda ay baadi goobeyso.

Sidoo kale Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa ay sidoo kale la wareegeen degmada Doolow oo ay horay u joogeen Ciidamo taabacsan Wasiirka Amniga Jubbaland C/Rashiid Xasan Cabdi nuur Janan ,kaas oo la sheegay in uu tegay dhnaca Magaalada Mandheera.

Wararka saaka naga soo gaaraya degmooyinka Beled-Xaawo iyo Doolow ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan,waxaana xusid mudan in degmooyinkaas ay horey gacanta ugu hayeen Ciidamo ka amar qaata Wasiirka Amniga Jubbaland C/Rashiid Xasan Cabdu nuur Janan.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay waxaa ay soo saartey waaran Caalami ah oo lagu soo xirayo Wasiirka Amniga Jubbaland C/Rashiid Janan, iyada oo xiriir la sameysay Hey’adda Booliska Adduunka Interpol,isla markaana dowladda ka dalbato inay soo qabato.

Dowladda Soomaaliya ayaa 28-kii Bishii tegtay ee Janaayo waxaa ay shaacisey in uu ka baxsadey halkii uu ku xirnaa Cabdi Rashiid Janaan,waxaana 31-kii isla Bishaas uu gaarey kismaayo ugana sii gudbey Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.