Khasaaro ka dhashay weerar ka dhacay Shabeellaha Hoose

0
509

Faah faahino dheerad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar culus o xalay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shababa ay ku qaadeen Saldhig Ciidamo katirsan AMISOM ku leeyihiin deegaanka Buufow Bacaad ee duleedka Magaalada Marka Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka deegaanka Buufow ayaa waxaa ay sheegeen in Saldhiga Ciidamada AMISOM uu ka dhacay dagaal muddo saacad ku dhow socdey,isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalkaas.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkaas uu ku geeriyoodey hal ruux laba kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo dhamaantood ahaa Shacab degan meel u dhow Xerada Ciidamada AMISOM ee la weeraray.

Dad ku sugan deegaanka Buufow ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in Ciidamada AMISOM ay tiro madaafiic ah rideen kadib markii dagaalka uu dhacay,hayeeshee lama shaacin wax khasaaro ah oo ka dhashay madaafiicdaas.

Wararkii ugu dambeeyey deegaanka Buufow ee duleedka Magaalada Marka ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan marka laga reebo Ciidamada AMISOM oo wada dhaq dhaqaaqyo ay uga jawabayaan weerarkii lagu soo qaadey.