- Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaano Galbeed ka xiga Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose,kaas oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab.
Laamaha Amniga Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaas laga fuliyey deegaanka Baarxaani gaar ahaan aaga Labi-kuus,isl markaana lagu diley xubin ka tirsanaa Al-Shabaab.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid la qorsheeyey,isla markaana Ciidamada ay dileen sarkaalkii u qaabilsanaa Al-Shabaab aaga Labi-kuus,sidoo kalena ay kasoo furteen Qori Ak-47 iyo saanad kale oo ciidan.
Sidoo kale Afhayeenka waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey in howlgalkaas uu ahaa mid looga hortagayay Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheeynayay inay weeraro fuliyaan.
- Arimaha Bulshada
- BARNAAMIJYADA
- blog
- Ciyaaraha
- English
- Mail Order Brides
- uncategorized
- WARARKA
- Wararka Galmudug