Banaanbaxyo Maanta ka dhacaya deegaano ka tirsan Galmudug

0
470

Waxaa saakay deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud laga dareemayaa qaban qaabada banaanbaxyo lagu taageerayo Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye,kaas oo shalay lagu doortey Dhuusamareeb.

Meelaha sida weyn banaanbaxyada uga dhici doonaan ayaa waxaa kamid Magaalooyinka Cadaado Dhuusamareeb iyo Magaalooyin kale,waxaana haatan socota qaban qaabadii ugu dambeeysay.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa aad u ilaalinaya Amniga Magaalooyinka ay ka dhacayaan banaanbaxyada.

Doorashadii ka dhacdey Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa taageeray Madaxda Dowladda Federaalka Xubno kamid ah wadamada Caalamka iyo Siyaasiyiin miisaan ku leh Soomaaliya,walow ay kasoo horjeesteen siyaasiyiin kale.