Mas’uul ka tirsanaa gobolka Banaadir oo Qarax lala eegtay

0
443

Guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmada Kaxda Cabdinaasir Xasan Cali ayaa ku dhaawacmay Qarax haleelay gaarigiisa oo marayay Xaafadda Xoosh ee degmada dharkeynlay sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Gudoomiyaha ayaa kusii jeeday degmada Kaxda, waxaana Qaraxa ku dhintay labo ka mid ah Ilaaladiisa.

Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka qaadeen dhaawaca Gudoomiye ku xigeenka.

Qaraxa ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in uu ahaa Miino dhulka lagu Aasay , islamarkaana haleeshay gaariga Gudoomiye ku xigeenka.