Shir uu ka qeyb-galayo guddoomiye Mursal oo Maanta la soo geba-gabeynayo

0
451

Shirka Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka oo galay maalintii Shanaad waxaa ka qeyb galay guddoomiyaasha Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka,waxaana looga hadlay Arrimaha dalalka Islaamka oo ay Falastiin ugu horeyso,Sidoo kale waxaa Kulanka inta uu socday lasoo jeediyay in la sameeyo Guddiga ka shaqeeya Amaanka.

Sidoo kale ka qeyb-galayaasha ayaa isku raacey in inta aan la magacaabin Gudigaas qaraar arintaas quseysa laga soo saaro sida markii shirka soo dhamaaday ka dib uu Warbaahinta u sheegay Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.

Sidoo kale Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Wadamada Islaamka ayaa la kulmay Madaxweynaha Dalkan Burkina Faso Roch Marc Christian Kaboré,waxa ayna uga mahad celiyeen marti gelinta dalkiisa ee shirkan sida uu mar kale Warbaahinta Qaranka u sheegay Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.

Maanta ayaa lagu wadaa In lasoo gaba gabeeyo Shirkaas,islamarkaana laga soo saaro war murtiyeed ay ku xusanyihiin qodobada ka qeyb galayaasha ay ku heshiiyaan.