War qoraal ah oo ka soo baxay ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyn ay Mareykanka ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ay ku dileen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.
“ Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ayaa shalay oo ku beegneyd 27/1/2020 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen degmada Jilib oo gobolka Jubada dhexe ,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab,isla markaana duqeyntaas aysan khasaaro kasoo gaarin dad rayid ah.
kuxigeenka Madaxa howlgallada Ciidamada Mareykanka ee Africa Gen. Bradford J. Gering ayaa sheegay in weerarka ay mareykanka ka fuliyeen degmada Jilib ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab.
Mareykanka ayaa waxaa ay sheegeen in duqeynta aan wax khasaaro ah lagu gaarsiinin dadka shacab ah.
Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa inta badan waxaa ay duqeyn ka fuliyaan deegaano dhaca bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya,iyaga oo sheegta inay ku dilaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
