Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Ciidamada Maamulka degmada Wartanabada ayaa waxaa ay ku guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan Askari laba maalmood ka hor Muqdisho ku diley Nin Darawal ahaa.
Askariga ayaa Wiil Dhalinyaro ahaa oo waday Gaari Nooca Xamuulka qaado ah waxaa uu ku diley Isgoyska Digfeer we degmada Hodan,kadib markii ay murmeen,isaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Wartanabada ayaa Risaala u xaqiijiyey soo qabashada Askarigaas,iyaga oo ku wareejiyey saraakiisha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.
Inta badan askarta dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay si bareer ah u dilaan darawalada Gaadiidka noocyadiisa kala duwan haba ugu badnaadeen Mooto Bajaajta,hayeeshee dowladda Soomaaliya aysan weli wax ka qaban.