C/rashiid C/laahi Maxamed Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya ayaa degmada Xudur kula kulmay Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), oo maanta Koonfur Galbeed isku soo dhiibay.
C/rashiid C/laahi Maxamed iyo Saraakiisha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu soo waramayaa kulan albaabada u xirnaa inay la qaateen Abuu Mansuur.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Degmada Xudur, ayaa ilaa hada si rasmi ah aanan loo ogeyn waxa looga hadlay, balse wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in kulanka looga hadlay sidii Abuu Mansuur looga dhaadhicin lahaa in loo soo qaado Magaalada Muqdisho oo xarun u ah Dowladda Federalka Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed ayaa la sheegay in uu doonayo in Abuu Mansuur uu ka soo kaxeeyo Magaaalda Xudur, uuna keeno Magaalada Muqdisho.
Abuu Mansuur ayaa Dowladda Mareykanka waxa ay madaxiisa dul dhigtay lacag dhan Shan Milyan oo Dollar, sanadkii 2012-kii, xilligaasi oo Shabaab ay iclaamiyeen in ay ku biireen Al-Qaacidda.