Ganagsatada gobollada dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada cadaado waxay ku shaaciyeen in hadda wixii ka dambeeya ay si toos ah ay gobollada dhexe looga qaadandoono lacagihii shilin Soomaaliga ah,kadib muddooyinkii ugu dambeeyey aan laga isticmaalijirin inta badan koonfurta iyo bartamaha Dalka, taasoo sababtay in dadwaynuhu ay cabasho ka muujiyaan.
Sidoo kale waxaa jiray shir ay dhawaan magaalada Garoowe ku yeesheen ganacsatada Gobolada dhexe iyo ganacsatada Puntland,kuwaas oo ka wada hadlay sidii loo socodsiinlahaa lacagaha Shillin soomaaliga ah.
“Magacaygu waa Cabdulqaadir Axmed Dhoorre, oo kamida ganacsatada Galmudug, waxaan rabaan inaan idiin sheego in Ganacsatada Gobollada dhexe ay juhdi badan u gashay sidii looga shaqaysiinlahaa lacagta Shillin Soomaaliga ah, iyagoo meelo kala duwan u tegey arrintaas, waxaan maantay u sheegeynaa dadweynaha in hadda wixii ka dambeeya aan qaadandoonno lacagahaas”, Ayuu yir Ganacsade C/qaadir.
“Magacaygu waaCali Mahad Jamaal Ciise oo ah guddoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga Galmudug, waxaan halkaan isugu nimid aan ka wada hadalno danta ka dhaxaysa keenna hantida haysta iyo keenna baahan, kulamo badan oo aan yeelannay waxaan isla aqbalnay in lacagtaas la qaato”,
Wasiir ku xigeenka maaliyadda Galmudug Maxamed Axmed faarax oo ka hadlay kulankaasi, ayaa sheegay in dhammaan maamulladu ay isla garteen in la socodsiiyo lacagahaas, sidoo kalena xusay in jaangoyn loo sameeyey sarifka lacagaha, wuxuuna ka digay in heshiiskaas la jebiyo .